Noble Quran » soomaali » Sorah Ghafir ( The Forgiver God )
Choose the reader
soomaali
Sorah Ghafir ( The Forgiver God ) - Verses Number 85
تَنزِيلُ الْكِتَابِ مِنَ اللَّهِ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ ( 2 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 2](style/default/icons/mp3.png)
Soo dajinta Kitaabka (quraanka) waxay ka ahaatay Eebaha adkaada ee wax walba og.
غَافِرِ الذَّنبِ وَقَابِلِ التَّوْبِ شَدِيدِ الْعِقَابِ ذِي الطَّوْلِ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ إِلَيْهِ الْمَصِيرُ ( 3 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 3](style/default/icons/mp3.png)
Ee dhaafa danbiga aqbalana toobadda, ayna darantahay ciqaabtiisu, ee nicmada badanleh, Eebe aan ilaahay ahayna ma jiro, xaggiisaana loo noqon.
مَا يُجَادِلُ فِي آيَاتِ اللَّهِ إِلَّا الَّذِينَ كَفَرُوا فَلَا يَغْرُرْكَ تَقَلُّبُهُمْ فِي الْبِلَادِ ( 4 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 4](style/default/icons/mp3.png)
Kuma doodo aayaadka Eebe kuwa gaaloobey mooyee, ee yeyna kugu dhagrin gagadoonkooda adduunka.
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَالْأَحْزَابُ مِن بَعْدِهِمْ ۖ وَهَمَّتْ كُلُّ أُمَّةٍ بِرَسُولِهِمْ لِيَأْخُذُوهُ ۖ وَجَادَلُوا بِالْبَاطِلِ لِيُدْحِضُوا بِهِ الْحَقَّ فَأَخَذْتُهُمْ ۖ فَكَيْفَ كَانَ عِقَابِ ( 5 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 5](style/default/icons/mp3.png)
waxaa beeniyay hortood qoomkii (Nabi) Nuux iyo xisbiyadii ka dambeeyey, waxayna doontay ummad kastaa rasuulkoodii inay qabato (oy dilaan) waxayna ku doodeen baadil (xumaan) inay xaqa ku tirtiraan, markaasaan qabtay ee waa sidee ciqaabteydii.
وَكَذَٰلِكَ حَقَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّهُمْ أَصْحَابُ النَّارِ ( 6 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 6](style/default/icons/mp3.png)
Saasayna ugu sugnaatay kalimadii Eebe «ciqaabtiisu» kuwii gaaloobay, waana inay yihiin naarta ehelkeeda.
الَّذِينَ يَحْمِلُونَ الْعَرْشَ وَمَنْ حَوْلَهُ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيُؤْمِنُونَ بِهِ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِلَّذِينَ آمَنُوا رَبَّنَا وَسِعْتَ كُلَّ شَيْءٍ رَّحْمَةً وَعِلْمًا فَاغْفِرْ لِلَّذِينَ تَابُوا وَاتَّبَعُوا سَبِيلَكَ وَقِهِمْ عَذَابَ الْجَحِيمِ ( 7 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 7](style/default/icons/mp3.png)
Kuwa (Malaa'igta) xambaarsan carshiga iyo kuwa gaararkiisa ah waxay ku tasbiixsan kuna Mahadin Eebehood wayna rumeysanyihiin, waxayna u dambi dhaaf warsan kuwa rumeeyey iyagoo dhihi Eebahanow waxaad ugu waasac noqon wax kasta naxariis iyo ogaanshee u dambidhaaf kuwa toobadkeena ee raaca jidkaaga kana dhawr cadaabka jaxiimo.
رَبَّنَا وَأَدْخِلْهُمْ جَنَّاتِ عَدْنٍ الَّتِي وَعَدتَّهُمْ وَمَن صَلَحَ مِنْ آبَائِهِمْ وَأَزْوَاجِهِمْ وَذُرِّيَّاتِهِمْ ۚ إِنَّكَ أَنتَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ ( 8 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 8](style/default/icons/mp3.png)
Eebow gali kuwaas jannada cadni ee ah taad u yaboohday iyaga iyo ruuxii suubanaada oo ah Aabayaalkood, Haweenkooda iyo Caruurtooda, adigaa ah adkaade falsane.
وَقِهِمُ السَّيِّئَاتِ ۚ وَمَن تَقِ السَّيِّئَاتِ يَوْمَئِذٍ فَقَدْ رَحِمْتَهُ ۚ وَذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ ( 9 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 9](style/default/icons/mp3.png)
Kana dhawr xumaanta (Ciqaabta) ruuxaad ka dhawrto xumaanta maalintaas waad u naxariisatay taasina waa liibaanta wayn.
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا يُنَادَوْنَ لَمَقْتُ اللَّهِ أَكْبَرُ مِن مَّقْتِكُمْ أَنفُسَكُمْ إِذْ تُدْعَوْنَ إِلَى الْإِيمَانِ فَتَكْفُرُونَ ( 10 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 10](style/default/icons/mp3.png)
Kuwa gaaloobay waxaa loogu dhawaaqaa (qiyaamada) cadhada Eebaa ka wayn cadhadaad naftiina ucadhootaan, maxaayeelay waxaa laydiinku yeedhi Jiray Iimaanka markaasaad gaaloobayseen.
قَالُوا رَبَّنَا أَمَتَّنَا اثْنَتَيْنِ وَأَحْيَيْتَنَا اثْنَتَيْنِ فَاعْتَرَفْنَا بِذُنُوبِنَا فَهَلْ إِلَىٰ خُرُوجٍ مِّن سَبِيلٍ ( 11 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 11](style/default/icons/mp3.png)
Waxay dhihi Eebow waxaad na dishay laba jeer waxaadna na noolaysay laba jeer waana qiranay dambiganagii ee ma suuroowdaa jid naarta looga baxo.
ذَٰلِكُم بِأَنَّهُ إِذَا دُعِيَ اللَّهُ وَحْدَهُ كَفَرْتُمْ ۖ وَإِن يُشْرَكْ بِهِ تُؤْمِنُوا ۚ فَالْحُكْمُ لِلَّهِ الْعَلِيِّ الْكَبِيرِ ( 12 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 12](style/default/icons/mp3.png)
Arrintaas waxaa ugu wacan in marka loo yeedho Eebe kaliya aad gaaloowdaan, haddii wax lala wadaajiyana aad rumeysaan xukunka dhamantiisna Eebaa iska leh ee sarreeya waynna.
هُوَ الَّذِي يُرِيكُمْ آيَاتِهِ وَيُنَزِّلُ لَكُم مِّنَ السَّمَاءِ رِزْقًا ۚ وَمَا يَتَذَكَّرُ إِلَّا مَن يُنِيبُ ( 13 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 13](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa kan idin tusiya aayaadkiisa idiinkana soodajiya Samada Rizqi (Roob) mana xusuusto ruux Eebe unoqon mooyee.
فَادْعُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ ( 14 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 14](style/default/icons/mp3.png)
Ee bari (Caabud) Eebe adoo ukali yeeli cibaadada haba naceen gaaladuye.
رَفِيعُ الدَّرَجَاتِ ذُو الْعَرْشِ يُلْقِي الرُّوحَ مِنْ أَمْرِهِ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ لِيُنذِرَ يَوْمَ التَّلَاقِ ( 15 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 15](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa kan ay sarrayso darajadiisu (waxna koryeela) carshigana iska leh, kuna soo dajiya waxyigiisa (iyo jibriil) oo ah amarkiisa cidduu doono oo adoomadiisa ah, si uu uga digo maalinta kulanka (Qiyaamada).
يَوْمَ هُم بَارِزُونَ ۖ لَا يَخْفَىٰ عَلَى اللَّهِ مِنْهُمْ شَيْءٌ ۚ لِّمَنِ الْمُلْكُ الْيَوْمَ ۖ لِلَّهِ الْوَاحِدِ الْقَهَّارِ ( 16 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 16](style/default/icons/mp3.png)
Maalintay usoo muuqan (usoo bixi) Eebe waxba karna qarsoona korkiisa, wuxuuna dhihi Eebe yaa xukunka iska leh maanta, markaasuu dhihi Eebaha kalida ah ee awooda badan.
الْيَوْمَ تُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ ۚ لَا ظُلْمَ الْيَوْمَ ۚ إِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ ( 17 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 17](style/default/icons/mp3.png)
Maanta (Qiyaamada) waxaa laga abaalmarin nafkastaa waxay kasbatay, dulmina majiro Maanta, Eebana wey dag dag badantahay xisaabtiisu.
وَأَنذِرْهُمْ يَوْمَ الْآزِفَةِ إِذِ الْقُلُوبُ لَدَى الْحَنَاجِرِ كَاظِمِينَ ۚ مَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ حَمِيمٍ وَلَا شَفِيعٍ يُطَاعُ ( 18 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 18](style/default/icons/mp3.png)
Uga dig Nabiyow dadka Maalinta dhaw (Qiyaamada) markuu wadnuhu imaan dhuunta (Cabsi darteed) iyagoo naxsan daalimiinna uma sugnaan sokeeye iyo mid u shafeecoo la maqlo.
يَعْلَمُ خَائِنَةَ الْأَعْيُنِ وَمَا تُخْفِي الصُّدُورُ ( 19 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 19](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa ogyahay khayaanada indhaha iyo waxay qarin laabtu.
وَاللَّهُ يَقْضِي بِالْحَقِّ ۖ وَالَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِ لَا يَقْضُونَ بِشَيْءٍ ۗ إِنَّ اللَّهَ هُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ ( 20 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 20](style/default/icons/mp3.png)
Eebe wuxuu xukumaa xaqa, waxay caabudina oo Eeba ka sokeeya waxba ma xukumaan, Eebana waa maqle arka ah.
أَوَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَيَنظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الَّذِينَ كَانُوا مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَانُوا هُمْ أَشَدَّ مِنْهُمْ قُوَّةً وَآثَارًا فِي الْأَرْضِ فَأَخَذَهُمُ اللَّهُ بِذُنُوبِهِمْ وَمَا كَانَ لَهُم مِّنَ اللَّهِ مِن وَاقٍ ( 21 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 21](style/default/icons/mp3.png)
Miyayna ku soconin Dhulka ooyan fiirin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey (Gaaladan) waxay ahaayeen kuwa ka xoogbadan kana camiraadbadan dhulka, markaasuu qabtay Eebe danbigooda dartiis umana sugnaan waxa Eebe ka soo hadhay wax daafaca.
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانَت تَّأْتِيهِمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَكَفَرُوا فَأَخَذَهُمُ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ قَوِيٌّ شَدِيدُ الْعِقَابِ ( 22 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 22](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana saas ugu wacan inay ahayd xujooyin, oy ka gaaloobeen markaas Eebe qabtay maxaa yeelay waa xoogbadane ay darantahay ciqaabtiisu.
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِآيَاتِنَا وَسُلْطَانٍ مُّبِينٍ ( 23 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 23](style/default/icons/mp3.png)
Dhab ahaan yaan (Nabi) Muuse ugu dirray isagoo wata aayaadkanaga iyo xujo cad.
إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَهَامَانَ وَقَارُونَ فَقَالُوا سَاحِرٌ كَذَّابٌ ( 24 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 24](style/default/icons/mp3.png)
Xagga Fircoon, Haamaan iyo Qaaruun waxayna dheheen waa sixirroow beenaala ah.
فَلَمَّا جَاءَهُم بِالْحَقِّ مِنْ عِندِنَا قَالُوا اقْتُلُوا أَبْنَاءَ الَّذِينَ آمَنُوا مَعَهُ وَاسْتَحْيُوا نِسَاءَهُمْ ۚ وَمَا كَيْدُ الْكَافِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَالٍ ( 25 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 25](style/default/icons/mp3.png)
Markuu ugala yimid xaqa agtanada waxay dheheen dila Wiilasha kuwa rumeeyey, daayana Haweenka (Gabdhaha) dhagarta gaaladuna ma aha waxaan khasaare ahayn.
وَقَالَ فِرْعَوْنُ ذَرُونِي أَقْتُلْ مُوسَىٰ وَلْيَدْعُ رَبَّهُ ۖ إِنِّي أَخَافُ أَن يُبَدِّلَ دِينَكُمْ أَوْ أَن يُظْهِرَ فِي الْأَرْضِ الْفَسَادَ ( 26 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 26](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuu yidhi Fircoon, i daaya aan silo Muusee hana uyeedho Eebihiisa, waxaan ka cabsan inuu idinka badalo Diinta ama uu ka muujiyo dhulka fasaad.
وَقَالَ مُوسَىٰ إِنِّي عُذْتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُم مِّن كُلِّ مُتَكَبِّرٍ لَّا يُؤْمِنُ بِيَوْمِ الْحِسَابِ ( 27 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 27](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse waxaan ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin mid kasta oo is kibriya (isla wayn) oon rumayn Maalinta xisaabta qiyaamada.
وَقَالَ رَجُلٌ مُّؤْمِنٌ مِّنْ آلِ فِرْعَوْنَ يَكْتُمُ إِيمَانَهُ أَتَقْتُلُونَ رَجُلًا أَن يَقُولَ رَبِّيَ اللَّهُ وَقَدْ جَاءَكُم بِالْبَيِّنَاتِ مِن رَّبِّكُمْ ۖ وَإِن يَكُ كَاذِبًا فَعَلَيْهِ كَذِبُهُ ۖ وَإِن يَكُ صَادِقًا يُصِبْكُم بَعْضُ الَّذِي يَعِدُكُمْ ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي مَنْ هُوَ مُسْرِفٌ كَذَّابٌ ( 28 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 28](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuu yidhi nin Mu'min ah oo ka mid ah dadka Fircoon oo qarinaayay limaankiisa, ma waxaad udilaysaan in uu yidhi Eebahay waa Alle, isagoo idiinkala yimid xijooyin xagga Eebihiin hadduu beenaale yahayna isagay dhibi beentiisu, hadduu runle yahayna waxaa idin ku dhici wuxuu idiin ku yaboohay qaarkiis, Eebana ma hanuuniyo danbi badane been badan.
يَا قَوْمِ لَكُمُ الْمُلْكُ الْيَوْمَ ظَاهِرِينَ فِي الْأَرْضِ فَمَن يَنصُرُنَا مِن بَأْسِ اللَّهِ إِن جَاءَنَا ۚ قَالَ فِرْعَوْنُ مَا أُرِيكُمْ إِلَّا مَا أَرَىٰ وَمَا أَهْدِيكُمْ إِلَّا سَبِيلَ الرَّشَادِ ( 29 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 29](style/default/icons/mp3.png)
Qoomkayoow idinkaa iska leh xukunka maanta una adag dhulka, yaase nooga gargaari caddabka Eebe hadduu inoo yimaado, fircoon wuxuu yidhi idin kula talin maayo waxaan ahayn ra'yigayga (waxa ii muuqda) idinkumana hanuuniyo waxaan ahayn waddada xaqa ah.
وَقَالَ الَّذِي آمَنَ يَا قَوْمِ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُم مِّثْلَ يَوْمِ الْأَحْزَابِ ( 30 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 30](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuu yidhi kii rumeeyey (Xaqa) qoomkayoow waxaan idiin ka cabsan sidii maalintii xisbiyadii.
مِثْلَ دَأْبِ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَالَّذِينَ مِن بَعْدِهِمْ ۚ وَمَا اللَّهُ يُرِيدُ ظُلْمًا لِّلْعِبَادِ ( 31 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 31](style/default/icons/mp3.png)
Sidii Qoomkii Nabi Nuux iyo reecaad iyo thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, Eebana ma aha mid la doonadulmi addoomada.
وَيَا قَوْمِ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ يَوْمَ التَّنَادِ ( 32 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 32](style/default/icons/mp3.png)
Qoomkayow wxaan idinka cabsan maalinta isu yeedhidda (Qiyaamada).
يَوْمَ تُوَلُّونَ مُدْبِرِينَ مَا لَكُم مِّنَ اللَّهِ مِنْ عَاصِمٍ ۗ وَمَن يُضْلِلِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ هَادٍ ( 33 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 33](style/default/icons/mp3.png)
Maalintaad jeedsandoontaan idinkoo carari, idiinna sugnayn wax Eebe idinka ilaaliya, ruux Eebe dhumiyeyna malaha «ma jiro» wax hanuunin.
وَلَقَدْ جَاءَكُمْ يُوسُفُ مِن قَبْلُ بِالْبَيِّنَاتِ فَمَا زِلْتُمْ فِي شَكٍّ مِّمَّا جَاءَكُم بِهِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا هَلَكَ قُلْتُمْ لَن يَبْعَثَ اللَّهُ مِن بَعْدِهِ رَسُولًا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ اللَّهُ مَنْ هُوَ مُسْرِفٌ مُّرْتَابٌ ( 34 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 34](style/default/icons/mp3.png)
Waxaa dhab ahaan idiin kula mid xujooyin marhore (Nabi) Yuusuf, kamana aydaan tagin shaki wuxuu idiin la yimid, markuu dhintayna waxaad dhahdeen ma soobixinaayo Eebe gadaashiis Rasuul, saasuuna udhumiyaa Eebe Ruux xad gudba oo shaki badan.
الَّذِينَ يُجَادِلُونَ فِي آيَاتِ اللَّهِ بِغَيْرِ سُلْطَانٍ أَتَاهُمْ ۖ كَبُرَ مَقْتًا عِندَ اللَّهِ وَعِندَ الَّذِينَ آمَنُوا ۚ كَذَٰلِكَ يَطْبَعُ اللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ قَلْبِ مُتَكَبِّرٍ جَبَّارٍ ( 35 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 35](style/default/icons/mp3.png)
Kuwa kudoodaya aayaadkanaga xujo utimid la'aanteed waxaa ku waynaatay cadho Eebe agtiisa iyo kuwa rumeeyay, saasuuna u daabacaa Eebe qalbi kastoo is kibriya oo daalim ah.
وَقَالَ فِرْعَوْنُ يَا هَامَانُ ابْنِ لِي صَرْحًا لَّعَلِّي أَبْلُغُ الْأَسْبَابَ ( 36 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 36](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuu yidhi fircoon Haamaanoow ii dhis Daar (sare) si aan ugu gaadho wadooyinka.
أَسْبَابَ السَّمَاوَاتِ فَأَطَّلِعَ إِلَىٰ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُ كَاذِبًا ۚ وَكَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِفِرْعَوْنَ سُوءُ عَمَلِهِ وَصُدَّ عَنِ السَّبِيلِ ۚ وَمَا كَيْدُ فِرْعَوْنَ إِلَّا فِي تَبَابٍ ( 37 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 37](style/default/icons/mp3.png)
Wadooyinka Samooyinka markaas aandaalacdo Ilaaha Muuse anigu waxaan u malayn beenaalee, saasaana loogu qurxiyay fircoon camalkiisa xun loogana leexiyay jidka, dhagarta fircoonna, ma aha waxaan khasaare ahayn.
وَقَالَ الَّذِي آمَنَ يَا قَوْمِ اتَّبِعُونِ أَهْدِكُمْ سَبِيلَ الرَّشَادِ ( 38 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 38](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuu yidhi kii rumeeyay (Xaqa) qoomkayoow i raaca waxaan idinku hanuunin jidka fiicane.
يَا قَوْمِ إِنَّمَا هَٰذِهِ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا مَتَاعٌ وَإِنَّ الْآخِرَةَ هِيَ دَارُ الْقَرَارِ ( 39 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 39](style/default/icons/mp3.png)
Qoomkayoow nolashan adduunyo ee dhaw waa uun raaxo (yar) aakharaase guri nagaadi ah.
مَنْ عَمِلَ سَيِّئَةً فَلَا يُجْزَىٰ إِلَّا مِثْلَهَا ۖ وَمَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِّن ذَكَرٍ أَوْ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَأُولَٰئِكَ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ يُرْزَقُونَ فِيهَا بِغَيْرِ حِسَابٍ ( 40 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 40](style/default/icons/mp3.png)
Ruuxii camal xun sameeya laguma abaalmariyo wax lamid ah mooyee, Ruuxiise camal fiican fala Lab iyo Dhaddiigba isagoo rumaysan kuwaasi waxay gali Jannada, waana lagu arzuqi dhexdeeda xisaab la'aan.
وَيَا قَوْمِ مَا لِي أَدْعُوكُمْ إِلَى النَّجَاةِ وَتَدْعُونَنِي إِلَى النَّارِ ( 41 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 41](style/default/icons/mp3.png)
Qoomkayoow maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho korid idinna iigu yeedhaan Naar.
تَدْعُونَنِي لِأَكْفُرَ بِاللَّهِ وَأُشْرِكَ بِهِ مَا لَيْسَ لِي بِهِ عِلْمٌ وَأَنَا أَدْعُوكُمْ إِلَى الْعَزِيزِ الْغَفَّارِ ( 42 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 42](style/default/icons/mp3.png)
liguna yeedhaan inaan ka gaaloobo Eebe lana wadaajiyo (Cibaadada) waxaanan oqoon ulahayn, aniguna waxaan idiin ku yeedhi xagga Eebaha adkaada ee dambidhaafa.
لَا جَرَمَ أَنَّمَا تَدْعُونَنِي إِلَيْهِ لَيْسَ لَهُ دَعْوَةٌ فِي الدُّنْيَا وَلَا فِي الْآخِرَةِ وَأَنَّ مَرَدَّنَا إِلَى اللَّهِ وَأَنَّ الْمُسْرِفِينَ هُمْ أَصْحَابُ النَّارِ ( 43 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 43](style/default/icons/mp3.png)
Waxaan shaki lahayn in waxaad iigu yeedhaysaan xaggiisa uusan lahayn Nacfi (iyo wax ajiiba) adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Eebe kuwa xadgudbana iyaga uunbaa ah asaxaabta (Ehelka) naarta.
فَسَتَذْكُرُونَ مَا أَقُولُ لَكُمْ ۚ وَأُفَوِّضُ أَمْرِي إِلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ بَصِيرٌ بِالْعِبَادِ ( 44 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 44](style/default/icons/mp3.png)
Waadna xusuusan doontaan waxaan idin kuleeyahay, waxaana u bandhigay amarkayga xagga Eebe, illeen Eebaa arka addoomadee.
فَوَقَاهُ اللَّهُ سَيِّئَاتِ مَا مَكَرُوا ۖ وَحَاقَ بِآلِ فِرْعَوْنَ سُوءُ الْعَذَابِ ( 45 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 45](style/default/icons/mp3.png)
Markaasaa Eebe ka dhawray Mu'minkaas xumaantay ku dhagreen, waxaana ku dhacay (ku dagay) Fircoon iyo ehelkiisii cadaab xun.
النَّارُ يُعْرَضُونَ عَلَيْهَا غُدُوًّا وَعَشِيًّا ۖ وَيَوْمَ تَقُومُ السَّاعَةُ أَدْخِلُوا آلَ فِرْعَوْنَ أَشَدَّ الْعَذَابِ ( 46 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 46](style/default/icons/mp3.png)
Naarbaana loo bandhigaa aroortii iyo galabtiiba, Maalintay kacayso Saacaduna (Qiyaamada waxaa ladhihi) galiya fircoon iyo ehelkiisa kan ugu daran cadaab.
وَإِذْ يَتَحَاجُّونَ فِي النَّارِ فَيَقُولُ الضُّعَفَاءُ لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُنَّا لَكُمْ تَبَعًا فَهَلْ أَنتُم مُّغْنُونَ عَنَّا نَصِيبًا مِّنَ النَّارِ ( 47 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 47](style/default/icons/mp3.png)
Xusuuso waqtigay ku doodi ehelu Naarku Naarta dhexdeeda ooy ku odhan kuwii (raaciyada ahaa) kuwii (madaxda ahaa) ee isla weynaa idinkaan idin raacaynay ee wax manooga taraysaan qayb naarta ka mid ah.
قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُلٌّ فِيهَا إِنَّ اللَّهَ قَدْ حَكَمَ بَيْنَ الْعِبَادِ ( 48 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 48](style/default/icons/mp3.png)
waxay dheheen kuwii iskibriyey dhamaanteen waxaan ahaanaynaa naarta dhexdeeda, Eebana waa kala xukumay addoomadiisa dhexdooda.
وَقَالَ الَّذِينَ فِي النَّارِ لِخَزَنَةِ جَهَنَّمَ ادْعُوا رَبَّكُمْ يُخَفِّفْ عَنَّا يَوْمًا مِّنَ الْعَذَابِ ( 49 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 49](style/default/icons/mp3.png)
Waxayna ku dhaheen kuwa naarta kusugan adeegaha jahannamo noo barya Eebihiin inuu naga fududeeyo maalin cadaabka.
قَالُوا أَوَلَمْ تَكُ تَأْتِيكُمْ رُسُلُكُم بِالْبَيِّنَاتِ ۖ قَالُوا بَلَىٰ ۚ قَالُوا فَادْعُوا ۗ وَمَا دُعَاءُ الْكَافِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَالٍ ( 50 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 50](style/default/icons/mp3.png)
Waxay dheheen adeegayaashii miyeyna ahayn inay idiinla timid Rasuuladii xujooyin, waxay dhaheen way noola timid, waxayna dhaheen harya idinkii marka Eebe, baryada gaaladana ma aha waxaan baadi iyo khasaare ahayn.
إِنَّا لَنَنصُرُ رُسُلَنَا وَالَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَيَوْمَ يَقُومُ الْأَشْهَادُ ( 51 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 51](style/default/icons/mp3.png)
Annagaa u gargaari Rasuuladanada iyo kuwa rumeeyey xaqa nolosha adduun iyo maalinta ay kici maragyadu.
يَوْمَ لَا يَنفَعُ الظَّالِمِينَ مَعْذِرَتُهُمْ ۖ وَلَهُمُ اللَّعْنَةُ وَلَهُمْ سُوءُ الدَّارِ ( 52 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 52](style/default/icons/mp3.png)
Maalintayna antacayn daalimiinta cudur daarkoodu, ayna u sugnaan Naclad iyo Guri xun (Naar).
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْهُدَىٰ وَأَوْرَثْنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ الْكِتَابَ ( 53 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 53](style/default/icons/mp3.png)
Dhab ahaan yaan u siinay Nabi Muuse hanuun (Nabinimo) una dhaxalsiinayna Bani Israa'iil Kitaabka (Tawreed).
فَاصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ وَاسْتَغْفِرْ لِذَنبِكَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ بِالْعَشِيِّ وَالْإِبْكَارِ ( 55 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 55](style/default/icons/mp3.png)
Ee samir Nabiyow yabooha Eebe wan dhabe, dambi dhaafna waydiiso kuna tasbiixso adoo ku dheehan mahadda Eebahaa Galab iyo Aroorba.
إِنَّ الَّذِينَ يُجَادِلُونَ فِي آيَاتِ اللَّهِ بِغَيْرِ سُلْطَانٍ أَتَاهُمْ ۙ إِن فِي صُدُورِهِمْ إِلَّا كِبْرٌ مَّا هُم بِبَالِغِيهِ ۚ فَاسْتَعِذْ بِاللَّهِ ۖ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ ( 56 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 56](style/default/icons/mp3.png)
Kuwu ku murmi aayaadka Eebe xujo la'aan u timid laabtooda ma aha waxaan kibir ayna gaadhayn ahayn, ee ka magan gala Eebe isagaa wax muqla waxna arkee.
لَخَلْقُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ أَكْبَرُ مِنْ خَلْقِ النَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ ( 57 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 57](style/default/icons/mp3.png)
Abuuriddu cirka iyo Dhulka yaa kawayn abuuridda Dadka (sida u muuqata) laakiin Dadka badidiis ma oga.
وَمَا يَسْتَوِي الْأَعْمَىٰ وَالْبَصِيرُ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَلَا الْمُسِيءُ ۚ قَلِيلًا مَّا تَتَذَكَّرُونَ ( 58 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 58](style/default/icons/mp3.png)
Ma eka indhoole iyo arkc iyo kuwa rumeeyey (Xaqa) camalfiicanna falay iyo xumuunloow, wax yar baadse xusuusanaysaan.
إِنَّ السَّاعَةَ لَآتِيَةٌ لَّا رَيْبَ فِيهَا وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ ( 59 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 59](style/default/icons/mp3.png)
Saacadda (Qiyaame) way iman shaki la'aan laakiin Dadka badidiis ma rumeynayaan.
وَقَالَ رَبُّكُمُ ادْعُونِي أَسْتَجِبْ لَكُمْ ۚ إِنَّ الَّذِينَ يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِي سَيَدْخُلُونَ جَهَنَّمَ دَاخِرِينَ ( 60 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 60](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuu yidhi Eebehiin i barya aan idiin ajiibee, (aqbalee) kuwa iska weyneeya cibaadadayda waxay gali doonaan naarta jahannamo, iyagoo dulleysan.
اللَّهُ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ اللَّيْلَ لِتَسْكُنُوا فِيهِ وَالنَّهَارَ مُبْصِرًا ۚ إِنَّ اللَّهَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى النَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَشْكُرُونَ ( 61 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 61](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa kan idiin yeelay habeenka inaad xasiLoonaataan dhexdiisa, maalintana (Ifid) arag, Eebana waa kan wax ku galladaysta dadka, laakiin dadka badankiisu kuma mahdiyaan.
ذَٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ خَالِقُ كُلِّ شَيْءٍ لَّا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَأَنَّىٰ تُؤْفَكُونَ ( 62 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 62](style/default/icons/mp3.png)
Kaasi waa allihiin, Eebana idiin ah wax walbana abuuro, Eebe mooyee mid kale ma jiro ee xagee xaqa laydiinka iili.
كَذَٰلِكَ يُؤْفَكُ الَّذِينَ كَانُوا بِآيَاتِ اللَّهِ يَجْحَدُونَ ( 63 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 63](style/default/icons/mp3.png)
Saas ookale yaa loo iilay kuwii aayaadka Eebe diidi jiray.
اللَّهُ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ قَرَارًا وَالسَّمَاءَ بِنَاءً وَصَوَّرَكُمْ فَأَحْسَنَ صُوَرَكُمْ وَرَزَقَكُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ ۚ ذَٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ ۖ فَتَبَارَكَ اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ ( 64 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 64](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa kan idiinka yeelay Dhulka meel sugnaansho, Cirkana dhismo oo idin sawiray wanaajiyayna Suuraddiina oo idinku Arzaaqay wax wanaagsan kaasi waa Eebihiin waxaana sarreeya oo nasahan Eebaha Caalamka Eebihiisa ah,
هُوَ الْحَيُّ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَادْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ ۗ الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ ( 65 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 65](style/default/icons/mp3.png)
Eebaha nool, Eebe aan isaga ahaynna ma jiro ee barya (caabudana) idinkoo u kaliyeeli Diinta, mahadna waxaa iska leh Eebaha Caalamka.
قُلْ إِنِّي نُهِيتُ أَنْ أَعْبُدَ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ لَمَّا جَاءَنِيَ الْبَيِّنَاتُ مِن رَّبِّي وَأُمِرْتُ أَنْ أُسْلِمَ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ ( 66 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 66](style/default/icons/mp3.png)
Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaa layga reebay inaan caabudo waxaad baryeysaan Eebe ka sokow markay iigayimaadeen xujooyin xagga Eebahay, waxaana lay faray inaan uhogaansamo Eebaha Caalamka.
هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ مِنْ عَلَقَةٍ ثُمَّ يُخْرِجُكُمْ طِفْلًا ثُمَّ لِتَبْلُغُوا أَشُدَّكُمْ ثُمَّ لِتَكُونُوا شُيُوخًا ۚ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ مِن قَبْلُ ۖ وَلِتَبْلُغُوا أَجَلًا مُّسَمًّى وَلَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ ( 67 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 67](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa kan idinka abuuray CarRada Hadana Dhibic, haddana Calaqo markaas idin soo bixiyey idinkoo ilma ah, hadana aad gaadhaan xoogiina, haddana aad noqotaan Odayo waxaase idinka mid ah cid la oofsado (Dhimata) intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan waqti magacaaban waxaad udhawdihiin inaad wax kastaan.
هُوَ الَّذِي يُحْيِي وَيُمِيتُ ۖ فَإِذَا قَضَىٰ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ كُن فَيَكُونُ ( 68 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 68](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa kan wax nooleeya waxna dila markuu doono inuu xukumo amarna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa.
أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ يُجَادِلُونَ فِي آيَاتِ اللَّهِ أَنَّىٰ يُصْرَفُونَ ( 69 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 69](style/default/icons/mp3.png)
Ka warran kuwa ku murmi aayaadku Eebe xaggee looga iili xaqa.
الَّذِينَ كَذَّبُوا بِالْكِتَابِ وَبِمَا أَرْسَلْنَا بِهِ رُسُلَنَا ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ ( 70 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 70](style/default/icons/mp3.png)
Kuwa beeniyay Kitaabka «Quraanka» iyo waxaan la soo dirray Rasuulladanada way ogaandoonaan, cidhibtooda.
إِذِ الْأَغْلَالُ فِي أَعْنَاقِهِمْ وَالسَّلَاسِلُ يُسْحَبُونَ ( 71 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 71](style/default/icons/mp3.png)
Marka Katiinado layeelo Luquntooda Silsiladdana lagu jiido.
ثُمَّ قِيلَ لَهُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ تُشْرِكُونَ ( 73 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 73](style/default/icons/mp3.png)
Markaas lagu dhaho aaway waxaad la wadaajiseen cibaadada.
مِن دُونِ اللَّهِ ۖ قَالُوا ضَلُّوا عَنَّا بَل لَّمْ نَكُن نَّدْعُو مِن قَبْلُ شَيْئًا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ اللَّهُ الْكَافِرِينَ ( 74 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 74](style/default/icons/mp3.png)
Eebe ka sokoow, waxayna odhan waa naga Dhumeen (waynay), mase aanaan ahayn kuwo Wax ucaabuday horay, saasuuna Eebe udhumiyaa Gaalada.
ذَٰلِكُم بِمَا كُنتُمْ تَفْرَحُونَ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَبِمَا كُنتُمْ تَمْرَحُونَ ( 75 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 75](style/default/icons/mp3.png)
Taasina waa waxaad ugu farxi jirteen Xumaanta dhulka dhexdiisa xaq daro iyo Waxaad la kibri jirteen.
ادْخُلُوا أَبْوَابَ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا ۖ فَبِئْسَ مَثْوَى الْمُتَكَبِّرِينَ ( 76 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 76](style/default/icons/mp3.png)
Eegala irdaha jahannamo idinkoo ku Waari waxaana u xun meeluu ku hoydo isla wayne Naarta Jahanamo.
فَاصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ ۚ فَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعْضَ الَّذِي نَعِدُهُمْ أَوْ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيْنَا يُرْجَعُونَ ( 77 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 77](style/default/icons/mp3.png)
Samir (adkayso) nabiyow yabooha Eebe waa xaqe, haddaanu kutusinno waxa (guusha) aannu Kuu yaboohi qaarkeed (intaad nooshahay waa Wanaagayamaan ku oofsanno (intaas Ka hor) Xaganagaa loo soo celin (gaaladaas).
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلًا مِّن قَبْلِكَ مِنْهُم مَّن قَصَصْنَا عَلَيْكَ وَمِنْهُم مَّن لَّمْ نَقْصُصْ عَلَيْكَ ۗ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأْتِيَ بِآيَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ فَإِذَا جَاءَ أَمْرُ اللَّهِ قُضِيَ بِالْحَقِّ وَخَسِرَ هُنَالِكَ الْمُبْطِلُونَ ( 78 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 78](style/default/icons/mp3.png)
Waxan dirray rasuullo adiga hortaa Waxaa ka mid ah kuwo aan kaaga qisoonay iyo kuwo aanaan kaaga qisoonin, rasuulna aayad (mucjisad) ah idiin Lama imaan karo Eebe la'aantiis hadduuse yimaado amarka Eebe (cadaabkiisu) waxaa la Xukumi xaq waxaana ku khasaaray halkaas kuwa Xumaanlowga ah.
اللَّهُ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَنْعَامَ لِتَرْكَبُوا مِنْهَا وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ ( 79 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 79](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa kan idiin yeelay Nicmoolayda (xoolaha) inaad waxna ka fuushaan waxna ka cuntaan.
وَلَكُمْ فِيهَا مَنَافِعُ وَلِتَبْلُغُوا عَلَيْهَا حَاجَةً فِي صُدُورِكُمْ وَعَلَيْهَا وَعَلَى الْفُلْكِ تُحْمَلُونَ ( 80 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 80](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana idinka sugnaaday dhexdeeda Nacfi iyo inaad ku gaadhaan danihiina Laabta idinkaga jira, korkeeda iyo doonta Ayaana la idinku xambaaraa.
وَيُرِيكُمْ آيَاتِهِ فَأَيَّ آيَاتِ اللَّهِ تُنكِرُونَ ( 81 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 81](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuuna idin tusiyaa aayaadkiisa ee teed aayaadka Eebe diidaysaan.
أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَيَنظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَانُوا أَكْثَرَ مِنْهُمْ وَأَشَدَّ قُوَّةً وَآثَارًا فِي الْأَرْضِ فَمَا أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا يَكْسِبُونَ ( 82 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 82](style/default/icons/mp3.png)
miyayna ku soconin dhulka oo ay fiiriyaan Siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo ka badan kana xoog badan iyo camiridda dhulka, waxna uma tarin waxay kasbadeen.
فَلَمَّا جَاءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَرِحُوا بِمَا عِندَهُم مِّنَ الْعِلْمِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ ( 83 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 83](style/default/icons/mp3.png)
markay ula yimaadeen rasuuladoodii xujooyin waxay ku farxeen gaaladii waxa agtooda ah oo cilmi ah, waxaana ku dagay waxay ku jees-jeesi jireen (abaalkiisii).
فَلَمَّا رَأَوْا بَأْسَنَا قَالُوا آمَنَّا بِاللَّهِ وَحْدَهُ وَكَفَرْنَا بِمَا كُنَّا بِهِ مُشْرِكِينَ ( 84 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 84](style/default/icons/mp3.png)
markay arkaan cadaabkanaga waxay dhahaan waxaan rumaynay Eebe kaliya waana diidnay waxaan Eebe la wadaajin jirray.
فَلَمْ يَكُ يَنفَعُهُمْ إِيمَانُهُمْ لَمَّا رَأَوْا بَأْسَنَا ۖ سُنَّتَ اللَّهِ الَّتِي قَدْ خَلَتْ فِي عِبَادِهِ ۖ وَخَسِرَ هُنَالِكَ الْكَافِرُونَ ( 85 )
![Ghafir ( The Forgiver God ) - Ayaa 85](style/default/icons/mp3.png)
Mana aha kuu anfici iimaankoodu markay Arkaan cadaabkanaga, waa sunnada (dariqada) Eebe ee u horaysay adoomadiisa, waxaana ku khasaaray halkaas gaalada.
Random Books
- WAXYAALO ILAAHAY XARIMAY DADKUNA FUDUDAYSTAY IN LA ISAGA DIGANA AY WAAJIB TAHAY-
Source : http://www.islamhouse.com/p/339560
- SADDEXDA ASAL IYO DALIILAHOODASADDEXDA ASAL IYO DALIILAHOODA
Formation : Maxamed Bin Cabdulwahaab
Translators : Cabdifataax Axmed
From issues : www.iu.edu.sa
Source : http://www.islamhouse.com/p/459
- QURAANIKA KARIIMKA Iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga-
From issues : Wadajirka Adeegaha Labada Xaram Ee Sharafka Badan Boqor Fahad Ee Daabacaadda Jaamaca Sharafta Badan
Source : http://www.islamhouse.com/p/453
- INKA BADAN 1000 SUNO MAALINTII IYO HABEENKII-
Translators : C/Qaadir sh.max,ed akhii
Source : http://www.islamhouse.com/p/339558
- WAXYAALO ILAAHAY XARIMAY DADKUNA FUDUDAYSTAY IN LA ISAGA DIGANA AY WAAJIB TAHAY-
Source : http://www.islamhouse.com/p/339560