Noble Quran » soomaali » Sorah Al-Mu'minoon ( The Believers )
Choose the reader
soomaali
Sorah Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Verses Number 118
إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ ( 6 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 6](style/default/icons/mp3.png)
Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas.
فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ ( 7 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 7](style/default/icons/mp3.png)
Ruuxiise Doona waxaad wax ka Soo Hadhay kuwaasu waa Xad Gudbayaal.
وَالَّذِينَ هُمْ لِأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُونَ ( 8 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 8](style/default/icons/mp3.png)
Waa kuwa Ammaanadooda iyo Ballankooda Dhawra.
الَّذِينَ يَرِثُونَ الْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ ( 11 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 11](style/default/icons/mp3.png)
oo ah kuwa Dhaxli Firdowsa wayna ku Dhexwaari.
وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن سُلَالَةٍ مِّن طِينٍ ( 12 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 12](style/default/icons/mp3.png)
Waxaan ka Abuuray Dadka wax laga soo Soocay Dhoobo.
ثُمَّ جَعَلْنَاهُ نُطْفَةً فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ ( 13 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 13](style/default/icons/mp3.png)
Markaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan.
ثُمَّ خَلَقْنَا النُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا الْعَلَقَةَ مُضْغَةً فَخَلَقْنَا الْمُضْغَةَ عِظَامًا فَكَسَوْنَا الْعِظَامَ لَحْمًا ثُمَّ أَنشَأْنَاهُ خَلْقًا آخَرَ ۚ فَتَبَارَكَ اللَّهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ ( 14 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 14](style/default/icons/mp3.png)
Markaasaan ka Abuuray Dhibicdii Calaqo kana Abuuray Calaqdii Goosin, kana Abuuray Goosintii Lafo oon Huwinnay Lafihii Hilib Markaasaan ka ahaysinnay Khalqi kale, waxaa Khayr Badnaday Eebaha Abuurkiisu Fiicanyahay.
وَلَقَدْ خَلَقْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعَ طَرَائِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ الْخَلْقِ غَافِلِينَ ( 17 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 17](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana ku Abuuray Korkiinna Toddobo Samo mana nihin mid Khalqiga Halmaansan.
وَأَنزَلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً بِقَدَرٍ فَأَسْكَنَّاهُ فِي الْأَرْضِ ۖ وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابٍ بِهِ لَقَادِرُونَ ( 18 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 18](style/default/icons/mp3.png)
Waxaan ka soo Dejinay Samada Biyo Qiyaasan, waxaana Dejinay dhulka inaan la Tagnana waan karraa.
فَأَنشَأْنَا لَكُم بِهِ جَنَّاتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَابٍ لَّكُمْ فِيهَا فَوَاكِهُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ ( 19 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 19](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana idinku Ahaysiinnay Beero Timir ah iyo Cinabyo oo Dhexdeed Khudaar Badani ku sugantahay ood wax ka Cuntaan.
وَشَجَرَةً تَخْرُجُ مِن طُورِ سَيْنَاءَ تَنبُتُ بِالدُّهْنِ وَصِبْغٍ لِّلْآكِلِينَ ( 20 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 20](style/default/icons/mp3.png)
Iyo Geed ka Baxa Dhuur Siina oo soo saarta Subag iyo Koosaar kuwa Cuni.
وَإِنَّ لَكُمْ فِي الْأَنْعَامِ لَعِبْرَةً ۖ نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهَا وَلَكُمْ فِيهَا مَنَافِعُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ ( 21 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 21](style/default/icons/mp3.png)
Waxaa idiinku Sugnaaday Xoolaha Waano, waxaana idinka Waraabinnaa waxa Caloosheeda ku Sugan waxaana idinku Sugan Manfaco badan, Xaggeedaadna wax ka Cuntaan.
وَعَلَيْهَا وَعَلَى الْفُلْكِ تُحْمَلُونَ ( 22 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 22](style/default/icons/mp3.png)
Korkeeda iyo Markabka Korkiisa yaana laydinku Xambaaraa.
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ أَفَلَا تَتَّقُونَ ( 23 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 23](style/default/icons/mp3.png)
Waxaan u Dirray (Nabi) Nuux Qoomkiisii wuxuuna Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idinma sugnaanin Ilaah ka soo Hadhaye, miyeydaan dhawrsanayn.
فَقَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَوْمِهِ مَا هَٰذَا إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُرِيدُ أَن يَتَفَضَّلَ عَلَيْكُمْ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَأَنزَلَ مَلَائِكَةً مَّا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِي آبَائِنَا الْأَوَّلِينَ ( 24 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 24](style/default/icons/mp3.png)
Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ahaa kanu ma aha waxaan Dad idin la midah ahayn, wuxuuna doonayaa inuu idinka Fadilmo, Hadduu Doono Eebe wuxuu soo Dejinlahaa Malaa'ig, manaan ka Maqlin Arrintan Aabayaalkanagii Horeeyey.
إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ بِهِ جِنَّةٌ فَتَرَبَّصُوا بِهِ حَتَّىٰ حِينٍ ( 25 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 25](style/default/icons/mp3.png)
Ma aha waxaan Nin Waalan ahayn ee Suga Tan iyo Muddo, Geerida.
فَأَوْحَيْنَا إِلَيْهِ أَنِ اصْنَعِ الْفُلْكَ بِأَعْيُنِنَا وَوَحْيِنَا فَإِذَا جَاءَ أَمْرُنَا وَفَارَ التَّنُّورُ ۙ فَاسْلُكْ فِيهَا مِن كُلٍّ زَوْجَيْنِ اثْنَيْنِ وَأَهْلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيْهِ الْقَوْلُ مِنْهُمْ ۖ وَلَا تُخَاطِبْنِي فِي الَّذِينَ ظَلَمُوا ۖ إِنَّهُم مُّغْرَقُونَ ( 27 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 27](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana u waxyoonay ku Samee Doon Ilaalintanada iyo Waxyiganaga, markuu yimaado Amarkanagu oo Burqado Tanuurku, Gali Doonta Nooc kastaba Labo Labo iyo Ehelkaaga Ciddii Hadal u Hor maray (Halaag) mooyee oo ka mid ah Haygulana Hadlin (Xaalka) kuwa Dulmiga falay iyaga waa la Maanshayne.
فَإِذَا اسْتَوَيْتَ أَنتَ وَمَن مَّعَكَ عَلَى الْفُلْكِ فَقُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي نَجَّانَا مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ ( 28 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 28](style/default/icons/mp3.png)
Markaad Korto Adiga iyo inta kula Jirta Doonta waxaad Dhahdaan Mahad Eebaa iska leh ah kan iga koriyey Qoomka Daalimiinta ah.
وَقُل رَّبِّ أَنزِلْنِي مُنزَلًا مُّبَارَكًا وَأَنتَ خَيْرُ الْمُنزِلِينَ ( 29 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 29](style/default/icons/mp3.png)
Waxaadna Dhahdaa Eebow I daji Guri la Barakeeyey Adaa u Khayrroon Dejiyee.
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ وَإِن كُنَّا لَمُبْتَلِينَ ( 30 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 30](style/default/icons/mp3.png)
Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayaad waxaana nahay kuwo wax Imtixaama.
ثُمَّ أَنشَأْنَا مِن بَعْدِهِمْ قَرْنًا آخَرِينَ ( 31 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 31](style/default/icons/mp3.png)
Markaasaan ahaysiinay Gadaashood Qarni kale.
فَأَرْسَلْنَا فِيهِمْ رَسُولًا مِّنْهُمْ أَنِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ أَفَلَا تَتَّقُونَ ( 32 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 32](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana u Dirray Dhexdooda Rasuul ka mid ah Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah Eebe ka soo Hadhay ee Miyeydaan Dhawrsanayn.
وَقَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِهِ الَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِلِقَاءِ الْآخِرَةِ وَأَتْرَفْنَاهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا مَا هَٰذَا إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يَأْكُلُ مِمَّا تَأْكُلُونَ مِنْهُ وَيَشْرَبُ مِمَّا تَشْرَبُونَ ( 33 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 33](style/default/icons/mp3.png)
waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ee ah kuwii Gaaloobay oo Beeniyey la Kulanka Aakhiro oon ugu Raaxaynay Nolosha Dhaw, kani ma aha waxaan Dad idinla mid ahayn Cunina waxaad Cunaysaan, Cabbina waxaad Cabbaysaan.
وَلَئِنْ أَطَعْتُم بَشَرًا مِّثْلَكُمْ إِنَّكُمْ إِذًا لَّخَاسِرُونَ ( 34 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 34](style/default/icons/mp3.png)
Haddaad Adeecdaan Dad idila mid ah idinku waa Khasaarteen.
أَيَعِدُكُمْ أَنَّكُمْ إِذَا مِتُّمْ وَكُنتُمْ تُرَابًا وَعِظَامًا أَنَّكُم مُّخْرَجُونَ ( 35 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 35](style/default/icons/mp3.png)
ma wuxuu idiin Yaboohi Markaad Dhimataan ood Noqotaan Carro iyo Lafo in laydin soo Boxin.
إِنْ هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا الدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا نَحْنُ بِمَبْعُوثِينَ ( 37 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 37](style/default/icons/mp3.png)
Ma aha waxaan Noloshanada Adduunyo ahayn, waanu Dhiman (Qaar) oonnu Noolaan (Qaar) kuwa la soo Bixinna ma Nihin.
إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا وَمَا نَحْنُ لَهُ بِمُؤْمِنِينَ ( 38 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 38](style/default/icons/mp3.png)
Mana aha waxaan Nin ku Been Abuurtay Eebe ahayn, mana nihin kuwo u Rumeyn.
قَالَ عَمَّا قَلِيلٍ لَّيُصْبِحُنَّ نَادِمِينَ ( 40 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 40](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuu yidhi Eebe Mudda Yar ka Dib yey ahaan kuwo Nidaamooda.
فَأَخَذَتْهُمُ الصَّيْحَةُ بِالْحَقِّ فَجَعَلْنَاهُمْ غُثَاءً ۚ فَبُعْدًا لِّلْقَوْمِ الظَّالِمِينَ ( 41 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 41](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana ku Qabatay si Xaq ah Qaylo waxaana ka yeellay Daadxoor ee Fagaansho Haw Sugnaado Daaliminta.
ثُمَّ أَنشَأْنَا مِن بَعْدِهِمْ قُرُونًا آخَرِينَ ( 42 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 42](style/default/icons/mp3.png)
Markaasaan Ahaysiinay Gadaashood Quruumo kale.
مَا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ ( 43 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 43](style/default/icons/mp3.png)
Kamana hor marto Ummadi Ajasheeda (Waqtigeeda) kamana Dib marto.
ثُمَّ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا تَتْرَىٰ ۖ كُلَّ مَا جَاءَ أُمَّةً رَّسُولُهَا كَذَّبُوهُ ۚ فَأَتْبَعْنَا بَعْضَهُم بَعْضًا وَجَعَلْنَاهُمْ أَحَادِيثَ ۚ فَبُعْدًا لِّقَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ ( 44 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 44](style/default/icons/mp3.png)
Markaasaan Diray Rasuullada nadii oo Israacsan markastooy Ummad u Yimaaddoo Rasuulkoodu waybeeniyaan, waxaana Raacsiinay Qarkood Qaar (Halaag) waxaana ka yeelay Sheeko Fogaanshaana u Sugnaaday Qoomaan (Xaqa) Rumeyn.
ثُمَّ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ وَأَخَاهُ هَارُونَ بِآيَاتِنَا وَسُلْطَانٍ مُّبِينٍ ( 45 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 45](style/default/icons/mp3.png)
Markaasaan la Diray (Nabi) Muuse iyo Walaalkiis Haaruun Aayadkanagii iyo Xujo Cad.
إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ فَاسْتَكْبَرُوا وَكَانُوا قَوْمًا عَالِينَ ( 46 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 46](style/default/icons/mp3.png)
Xagga Fircoon iyo Jameecadiisii (yaana u dirray) wayna is kibriyeen waxayna ahaayeen Qoom is korraysiiya.
فَقَالُوا أَنُؤْمِنُ لِبَشَرَيْنِ مِثْلِنَا وَقَوْمُهُمَا لَنَا عَابِدُونَ ( 47 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 47](style/default/icons/mp3.png)
waxayna dheheen ma waxaanu u rumayn Labo ruux oo nala mid ah Qoomkooduna anaga na Caabudo.
فَكَذَّبُوهُمَا فَكَانُوا مِنَ الْمُهْلَكِينَ ( 48 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 48](style/default/icons/mp3.png)
Wayna Beeniyeen waxayna Noqdeen kuwo la Halaagay.
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ لَعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ ( 49 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 49](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka inay Hanuunaan.
وَجَعَلْنَا ابْنَ مَرْيَمَ وَأُمَّهُ آيَةً وَآوَيْنَاهُمَا إِلَىٰ رَبْوَةٍ ذَاتِ قَرَارٍ وَمَعِينٍ ( 50 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 50](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana ka yeellay ina Maryamna iyo Hooyadiis Aayad waxaana u Dunnay Meel sare oo Sugnaansho iyo Biyo Socda leh.
يَا أَيُّهَا الرُّسُلُ كُلُوا مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَاعْمَلُوا صَالِحًا ۖ إِنِّي بِمَا تَعْمَلُونَ عَلِيمٌ ( 51 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 51](style/default/icons/mp3.png)
Rasuullow ka Cuna Xalaasha, Falana Wanaag, Anigu waxaad Falaysan waan Ogahaye.
وَإِنَّ هَٰذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاتَّقُونِ ( 52 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 52](style/default/icons/mp3.png)
Tanna waa Umaddiinii (Diinta) umad (Diin) kaliya anna waxaan ahay Eebihiin ee iga Dhawrsada.
فَتَقَطَّعُوا أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ زُبُرًا ۖ كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ ( 53 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 53](style/default/icons/mp3.png)
Waxayse y kala Goosteen Amarkooda Dhexdooda Kooxo, Xisbi kastana waxa Agtooda ah yey ku Faraxsanyihiin.
فَذَرْهُمْ فِي غَمْرَتِهِمْ حَتَّىٰ حِينٍ ( 54 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 54](style/default/icons/mp3.png)
ee Isagaga Tag Halmaanshahooda Dhexdiisa Tan iyo Muddo.
أَيَحْسَبُونَ أَنَّمَا نُمِدُّهُم بِهِ مِن مَّالٍ وَبَنِينَ ( 55 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 55](style/default/icons/mp3.png)
ma waxay u Malayn waxaannu Siin oo Xoolo iyo Caruur ah.
نُسَارِعُ لَهُمْ فِي الْخَيْرَاتِ ۚ بَل لَّا يَشْعُرُونَ ( 56 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 56](style/default/icons/mp3.png)
Inaanu u soo Hormarinay Khayraad wax ma Oga.
إِنَّ الَّذِينَ هُم مِّنْ خَشْيَةِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ ( 57 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 57](style/default/icons/mp3.png)
kuwa uun Ka Cabsada Eebahood ka Yaabid.
وَالَّذِينَ يُؤْتُونَ مَا آتَوا وَّقُلُوبُهُمْ وَجِلَةٌ أَنَّهُمْ إِلَىٰ رَبِّهِمْ رَاجِعُونَ ( 60 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 60](style/default/icons/mp3.png)
kuwa Bixin waxa la Siiyay Iyadooy ka Cabsan Quluubtoodu inay Xagga Eebe u Noqon.
أُولَٰئِكَ يُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَهُمْ لَهَا سَابِقُونَ ( 61 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 61](style/default/icons/mp3.png)
Kuwaasaa u deg degi Khayraadka una Hormarinay.
وَلَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۖ وَلَدَيْنَا كِتَابٌ يَنطِقُ بِالْحَقِّ ۚ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ ( 62 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 62](style/default/icons/mp3.png)
kuma Mashaqayno Naf waxayna karin, Agtanadana waxaa ah Kitaab ku Hadli Xaq, lamana Dulmiyo Iyagana.
بَلْ قُلُوبُهُمْ فِي غَمْرَةٍ مِّنْ هَٰذَا وَلَهُمْ أَعْمَالٌ مِّن دُونِ ذَٰلِكَ هُمْ لَهَا عَامِلُونَ ( 63 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 63](style/default/icons/mp3.png)
waxayse kaga Sugantahay Quluubtoodu Halmaansho Xagga Kaas, waxayna Leeyihiin Camallo Kaas ka Duwan (oo Xun) oy iyagu u Camal Fali.
حَتَّىٰ إِذَا أَخَذْنَا مُتْرَفِيهِم بِالْعَذَابِ إِذَا هُمْ يَجْأَرُونَ ( 64 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 64](style/default/icons/mp3.png)
Markaanse ku Qabanno Kuwooda Nicmaysan Cadaab Markaasay Qaylyaan.
لَا تَجْأَرُوا الْيَوْمَ ۖ إِنَّكُم مِّنَّا لَا تُنصَرُونَ ( 65 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 65](style/default/icons/mp3.png)
(Waxaana la Dhihi) ha Qaylyina Maanta Idinku Xagganaga Laydiin kama Gargaaree.
قَدْ كَانَتْ آيَاتِي تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَكُنتُمْ عَلَىٰ أَعْقَابِكُمْ تَنكِصُونَ ( 66 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 66](style/default/icons/mp3.png)
Waxay ahayd Aayaadkeygii Tii lagu Akhriyo Korkiinna waxaadse ahaydeen kuwa Cidhibtiinna Dib ugu noqda (Xaqa Diida).
مُسْتَكْبِرِينَ بِهِ سَامِرًا تَهْجُرُونَ ( 67 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 67](style/default/icons/mp3.png)
Idinkoo isku Kibrin Quraanka (ama Kacbada iyo Nabiga) Cawaysimina idinkoo Hadal Xun.
أَفَلَمْ يَدَّبَّرُوا الْقَوْلَ أَمْ جَاءَهُم مَّا لَمْ يَأْتِ آبَاءَهُمُ الْأَوَّلِينَ ( 68 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 68](style/default/icons/mp3.png)
Miyeyna Fiirinin Quraanka, mise waxaa u Yimid Waxaan U imaanin Aabayaalkoodii hore.
أَمْ لَمْ يَعْرِفُوا رَسُولَهُمْ فَهُمْ لَهُ مُنكِرُونَ ( 69 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 69](style/default/icons/mp3.png)
Mise waxayna Aqoonin Rasuulkooda oo ay Diidi.
أَمْ يَقُولُونَ بِهِ جِنَّةٌ ۚ بَلْ جَاءَهُم بِالْحَقِّ وَأَكْثَرُهُمْ لِلْحَقِّ كَارِهُونَ ( 70 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 70](style/default/icons/mp3.png)
Mise waxay Dhihi waa Waalanyahay, wuxuuse Ula Yimid Xaq Badankoodse Xaqay Nici.
وَلَوِ اتَّبَعَ الْحَقُّ أَهْوَاءَهُمْ لَفَسَدَتِ السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ وَمَن فِيهِنَّ ۚ بَلْ أَتَيْنَاهُم بِذِكْرِهِمْ فَهُمْ عَن ذِكْرِهِم مُّعْرِضُونَ ( 71 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 71](style/default/icons/mp3.png)
Hadduu Raaco Xaqu Hawadooda waxaa Fasaadi Lahaa Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya, waxaanse Siinay Quraanka wayse ka Jeedsan quraanka.
أَمْ تَسْأَلُهُمْ خَرْجًا فَخَرَاجُ رَبِّكَ خَيْرٌ ۖ وَهُوَ خَيْرُ الرَّازِقِينَ ( 72 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 72](style/default/icons/mp3.png)
Mise waxaad warsan Kharaj (u Juuro) Ajirka Eebahaabaa Khayr Roon, waana kan u Khayr Badan Arzaaqe.
وَإِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ عَنِ الصِّرَاطِ لَنَاكِبُونَ ( 74 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 74](style/default/icons/mp3.png)
Kuwa aan Rumeyn Aakhiroona Jidka way ka lilan.
وَلَوْ رَحِمْنَاهُمْ وَكَشَفْنَا مَا بِهِم مِّن ضُرٍّ لَّلَجُّوا فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ ( 75 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 75](style/default/icons/mp3.png)
Haddaan u Naxariisanno oon ka Faydno waxa haya oo Dhib ah waxay ku Madax Taagi Xumaantooda iyagoo ku Indho la'.
وَلَقَدْ أَخَذْنَاهُم بِالْعَذَابِ فَمَا اسْتَكَانُوا لِرَبِّهِمْ وَمَا يَتَضَرَّعُونَ ( 76 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 76](style/default/icons/mp3.png)
Waxaannu ku Qabanay Cadaab umana ayan Hogaansamin «Dulloobin» Eebahood umana Khushuucin.
حَتَّىٰ إِذَا فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا ذَا عَذَابٍ شَدِيدٍ إِذَا هُمْ فِيهِ مُبْلِسُونَ ( 77 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 77](style/default/icons/mp3.png)
Markaan ku Furro Korkooda Cadaab Daran markaasay Quustaan.
وَهُوَ الَّذِي أَنشَأَ لَكُمُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَالْأَفْئِدَةَ ۚ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ ( 78 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 78](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa kan idiin Yeelay Maqalka, iyo Araga iyo Quluubta wax Yar baadna ku Shugriyeysaan (Eebe).
وَهُوَ الَّذِي ذَرَأَكُمْ فِي الْأَرْضِ وَإِلَيْهِ تُحْشَرُونَ ( 79 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 79](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa Kan idinka Abuuray Dhulka Xagiisaana laydiin soo Celina.
وَهُوَ الَّذِي يُحْيِي وَيُمِيتُ وَلَهُ اخْتِلَافُ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ ( 80 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 80](style/default/icons/mp3.png)
Eebe waa Kan wax Nooleeya, waxna Dila wuxuuna Leeyahay Iskhilaafka (Kala Duwaanta) Habeenka iyo Maalinta ee Miyeydaan Wax kasayn.
بَلْ قَالُوا مِثْلَ مَا قَالَ الْأَوَّلُونَ ( 81 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 81](style/default/icons/mp3.png)
Waxayse Dheheen wax la mid ah waxay Dhaheen kuwii hore (Gaaladii).
قَالُوا أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ ( 82 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 82](style/default/icons/mp3.png)
Waxay Dheheen Ma Markaan Dhimanno oon Noqonno Carro iyo Lafo Miyaa Anaga nala soo Bixin.
لَقَدْ وُعِدْنَا نَحْنُ وَآبَاؤُنَا هَٰذَا مِن قَبْلُ إِنْ هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ ( 83 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 83](style/default/icons/mp3.png)
Waa Naloo Yaboohay Aabayaalkanno kan (Soo Bixinta) horay mana aha kani waxaaan warkii hore ahayn.
قُل لِّمَنِ الْأَرْضُ وَمَن فِيهَا إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ ( 84 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 84](style/default/icons/mp3.png)
Waxaad Dhahdaa yaa leh Dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax Ogtihiin.
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ ( 85 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 85](style/default/icons/mp3.png)
Waxay Odhan Eebe, waxaad Dhahdaa Miyeydaan wax Xusuusanayn.
قُلْ مَن رَّبُّ السَّمَاوَاتِ السَّبْعِ وَرَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ ( 86 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 86](style/default/icons/mp3.png)
Dheh waayo Eebaha Samooyinka Todobada ah iyo Eebaha Carshiga Wayn.
قُلْ مَن بِيَدِهِ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيْهِ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ ( 88 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 88](style/default/icons/mp3.png)
Dheh Yey yaddiisa ku Jirtaa Xukunka wax kasta, oo wax Magan Galiya, isna aan wax laga Magan galinayn, Haddaad wax Ogtihiin.
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ فَأَنَّىٰ تُسْحَرُونَ ( 89 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 89](style/default/icons/mp3.png)
Waxay Odhan Eebe, Dheh Xaggee Laydiin Sixri.
بَلْ أَتَيْنَاهُم بِالْحَقِّ وَإِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ ( 90 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 90](style/default/icons/mp3.png)
Waxaanse Siinay Xaq waana Beenaalayaal.
مَا اتَّخَذَ اللَّهُ مِن وَلَدٍ وَمَا كَانَ مَعَهُ مِنْ إِلَٰهٍ ۚ إِذًا لَّذَهَبَ كُلُّ إِلَٰهٍ بِمَا خَلَقَ وَلَعَلَا بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ ( 91 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 91](style/default/icons/mp3.png)
Ma yeelan Eebe Ilmo, mana aha Miciisa Ilaah (kale) Illeen markaas wuu la Tagi lahaa Ilaah walba wuxuu Abuuray, wuxuuna ka Kormari lahaa (Adkaan lahaa) Qaarkood Qaar, waxaa ka Nasahan Eebe waxay ku Tilmaami.
عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ ( 92 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 92](style/default/icons/mp3.png)
Waa Ogaha waxa Maqan iyo waxa Jooga, wuuna ka Sarreeyaa waxa la Wadaajin.
قُل رَّبِّ إِمَّا تُرِيَنِّي مَا يُوعَدُونَ ( 93 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 93](style/default/icons/mp3.png)
Waxaad Dhahdaa Eebow Hadaad i Tusiso waxa Looyaboohay.
رَبِّ فَلَا تَجْعَلْنِي فِي الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ ( 94 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 94](style/default/icons/mp3.png)
Eebow hayga Yeelin Qoomka Daalimiinta ah.
وَإِنَّا عَلَىٰ أَن نُّرِيَكَ مَا نَعِدُهُمْ لَقَادِرُونَ ( 95 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 95](style/default/icons/mp3.png)
Annaguna inaan ku Tusinno waxaan u Yaboohnay waan Karraa.
ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ السَّيِّئَةَ ۚ نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَصِفُونَ ( 96 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 96](style/default/icons/mp3.png)
ee Raaci (Dhaafso) Tan Wanaagsan Midda Xun Anagaa og Waxay Tilmaamiye (Sheegi).
وَقُل رَّبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنْ هَمَزَاتِ الشَّيَاطِينِ ( 97 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 97](style/default/icons/mp3.png)
Waxaadna Dhahdaa Eebow waxaan kaa Magangalay Waswaaska Shayaadiinta.
وَأَعُوذُ بِكَ رَبِّ أَن يَحْضُرُونِ ( 98 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 98](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana kaa Magan Gali Eebow inay ii Yimaadaan Shayaadiintu.
حَتَّىٰ إِذَا جَاءَ أَحَدَهُمُ الْمَوْتُ قَالَ رَبِّ ارْجِعُونِ ( 99 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 99](style/default/icons/mp3.png)
Markuu u Yimaaddo Midkood (Gaalada) Mawdku wuxuu Dhihi Eebow I celiya.
لَعَلِّي أَعْمَلُ صَالِحًا فِيمَا تَرَكْتُ ۚ كَلَّا ۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَائِلُهَا ۖ وَمِن وَرَائِهِم بَرْزَخٌ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ ( 100 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 100](style/default/icons/mp3.png)
Waxaan u Dhawahay inaan Falo Wanaage waxaan ka Tagay, saas ma aha ee waa Hadal uu iska Yidhi Gadaashoodana waxaa ah Barzakh, tan iyo Maalinta la Soo Bixin.
فَإِذَا نُفِخَ فِي الصُّورِ فَلَا أَنسَابَ بَيْنَهُمْ يَوْمَئِذٍ وَلَا يَتَسَاءَلُونَ ( 101 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 101](style/default/icons/mp3.png)
Marka la Afuufo Suurka ma Jiro Nasab Dhexdooda Maalintaas, waxna isma Warsadaan.
فَمَن ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ ( 102 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 102](style/default/icons/mp3.png)
Ciddayse Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay.
وَمَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ فِي جَهَنَّمَ خَالِدُونَ ( 103 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 103](style/default/icons/mp3.png)
Ciddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda Jahannamayna ku Waari.
تَلْفَحُ وُجُوهَهُمُ النَّارُ وَهُمْ فِيهَا كَالِحُونَ ( 104 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 104](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana Gubi Wajigooda Naarta iyagoo Waji diiran.
أَلَمْ تَكُنْ آيَاتِي تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَكُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ ( 105 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 105](style/default/icons/mp3.png)
(Waxaa lagu Dhihi) Miyeyna ahayn Aayaadkanagu kuwa lagu Akhriyo Korkiinna ood Beenin Jirteen.
قَالُوا رَبَّنَا غَلَبَتْ عَلَيْنَا شِقْوَتُنَا وَكُنَّا قَوْمًا ضَالِّينَ ( 106 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 106](style/default/icons/mp3.png)
Waxay Dhahaan Eebow waxaa naga Adkaatay Xumaantanadii, waxaana ahayn Qaar Dhunsan.
رَبَّنَا أَخْرِجْنَا مِنْهَا فَإِنْ عُدْنَا فَإِنَّا ظَالِمُونَ ( 107 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 107](style/default/icons/mp3.png)
Eebow naga Bixi Xageeda Haddaan u Noqonana Anagaa Daalimiin ah.
قَالَ اخْسَئُوا فِيهَا وَلَا تُكَلِّمُونِ ( 108 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 108](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuu Dhahaa Eebe ku Fogaada Dhexdeeda Idinkoo (Dullaysan) hana Ila Hadlina.
إِنَّهُ كَانَ فَرِيقٌ مِّنْ عِبَادِي يَقُولُونَ رَبَّنَا آمَنَّا فَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا وَأَنتَ خَيْرُ الرَّاحِمِينَ ( 109 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 109](style/default/icons/mp3.png)
Waxaa Jirtay in Koox ka mid ah Addoomadayda ay Dhahaan Eebow waan Rumaynay Xaqa ee noo Dhaaf noona Naxariiso Adaa Naxariiste u Khayr Roone.
فَاتَّخَذْتُمُوهُمْ سِخْرِيًّا حَتَّىٰ أَنسَوْكُمْ ذِكْرِي وَكُنتُم مِّنْهُمْ تَضْحَكُونَ ( 110 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 110](style/default/icons/mp3.png)
Waxaadse ka Yeelateen Jees jees intay idinka Halmaansiiyaan xuskayga ood kuna Qoslayseen.
إِنِّي جَزَيْتُهُمُ الْيَوْمَ بِمَا صَبَرُوا أَنَّهُمْ هُمُ الْفَائِزُونَ ( 111 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 111](style/default/icons/mp3.png)
Waan ka Abaal marinay Maanta Samirkoodii Dartiis, iyaga unbaana Liibaanay.
قَالَ كَمْ لَبِثْتُمْ فِي الْأَرْضِ عَدَدَ سِنِينَ ( 112 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 112](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuuna Dhihi Eebe imisa Sanaad ku Nagaateen Dhulka.
قَالُوا لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ فَاسْأَلِ الْعَادِّينَ ( 113 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 113](style/default/icons/mp3.png)
Waxayna Odhan waxaan ku Nagaanay Maalin ama Maalin Qaarkeed, warsada kuwa wax tiriya «Malaa'gta».
قَالَ إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا قَلِيلًا ۖ لَّوْ أَنَّكُمْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ ( 114 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 114](style/default/icons/mp3.png)
Wuxuu Yidhi Maydaan Nagaanin wax Yar Mooyee Haddaad wax Ogtihiin.
أَفَحَسِبْتُمْ أَنَّمَا خَلَقْنَاكُمْ عَبَثًا وَأَنَّكُمْ إِلَيْنَا لَا تُرْجَعُونَ ( 115 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 115](style/default/icons/mp3.png)
ma Waxaad u Malayseen inaan Idiin Abuuray Ciyaar oon idinka Xagganaga loo soo Celinayn.
فَتَعَالَى اللَّهُ الْمَلِكُ الْحَقُّ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ الْعَرْشِ الْكَرِيمِ ( 116 )
![Al-Mu'minoon ( The Believers ) - Ayaa 116](style/default/icons/mp3.png)
Waxaa Sarreeya Eebaha Xaakimka Xaqa ah Ilaah aan isaga ahayna ma jiro Waana Eebaha Carshiga Sharafta leh.
Random Books
- AFARTAN XADIIS-
Source : http://www.islamhouse.com/p/339628
- SADDEXDA ASAL IYO DALIILAHOODASADDEXDA ASAL IYO DALIILAHOODA
Formation : Maxamed Bin Cabdulwahaab
Translators : Cabdifataax Axmed
From issues : www.iu.edu.sa
Source : http://www.islamhouse.com/p/459
- Sheekooyinkii ugu wanaagsanaaSheekooyinkii ugu wanaagsanaa أحسن القصص waxaan u qoray Soomaalida jecel sheekooyinka Islaamiga ah, rabana inay u sii gudbiyaan caruurtooda.
Source : http://www.islamhouse.com/p/61666
- INKA BADAN 1000 SUNO MAALINTII IYO HABEENKII-
Translators : C/Qaadir sh.max,ed akhii
Source : http://www.islamhouse.com/p/339558
- Rukniga sedaxaadRukniga sedaxaad
Formation : عمادة البحث العلمي بالجامعة الإسلامية
Translators : عبد القادر حسين طحلو
From issues : www.iu.edu.sa
Source : http://www.islamhouse.com/p/457